Monday, June 23, 2025

Ciidamo Gadoodsan oo la wareegay Xaafado ka mida caasimadda Muqdisho iyo xog laga helay..

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in ciidamo gadoodsan oo ka horjeeda Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxmed Farmaajo ay la wareegeen qeybo ka mida caasimadda Muqdisho.

Ciidamadan oo ka tirsan Milateriga Soomaaliya, kana ka yimid fariisimahoodii Gobolka Sh/Dhexe ayaa la sheegay inay goor dhoweyd la wareegeen Xaafadda Fagax iyo qeybo ka mida Degmada Kaaraan ee Waqooyiga Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya inay halkaasi ka baxeen ciidamadii Booliska ee ku sugnaa, markii ay ciidamadan oo wata gadiidka dagaalka ku amreen inay isaga tagaan halkaasi.

Ad

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay ka cabanayaan iyadoo aan in muddo ah wax mushaar ah la siinin, horena loogu sheegay inay yihiin ciidan beelleed, taasoo keentay inay tallaabadan qaadaan.

Xogta laga helay ciidamadan ayaa sheegeysa in ciidamadan ay hoostagaan Taliyaha guutada 27-ad ee fadhigoodu yahay Gobolka Sh/Dhexe, ayna xiriir la leeyihiin qaar ka mida musharixiinta Madaxweynaha ee kasoo jeeda magaalada Muqdisho.

Ma jiro wax iska hor imaad ah oo ka dhcay goobaha ay ciidamada gadoodsan yimaadeen, waxaana kacsan xaaladda.

- Advertisement -

LA SOCO WIXII SOO KORDHA…

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON