Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamo gadooday ay saaka qabsadeen xaruntii doorashada xildhibaanada Aqalka hoose ee magaaladaasi.
Ciidamada falkan ku kacay ayaa la sheegay inay ka tirsan kuwa taabacsan maamulka Jubbaland, waxayna ka cabanayaan mushaar la’aan dhowr bilood.

Dadaallo ay ciidamada gadoodsan la galeen wasiiro iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa markii dambe lagu qanciyay inay ka tagaan xarunta doorashada, iyadoo balanqaad loo sameeyay in la siin doono mushaarka ka maqan.
Guud ahaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulada dalka ayaan wax mushaar ah qaadan muddo bilooyin ah, taasoo ay ugu wacan tahay in dhaqaalihii loogu talogalay lagu galay doorashada.
Waa falkii ugu horeeyay ee ciidamo gadoodsan ay ku galaan xarumaha doorashada 2016 ee ka dhacaya shan ka mida xarumaha maamulada goboleedyada iyo caasimadda dalka.
Goobjooge.com