Sunday, July 13, 2025

Ciidamo gadoodsan oo xirtay Madaxtooyada iyo Xarumaha Maamulka Puntland ee Garowe

Wararka laga helayo magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland ayaa sheegaya in ciidamo gadoodsan ay xirteen wadooyinka gala xarumaha Madaxtooyada Puntland iyo Wasaaradaha Puntland.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin kuwa maamulka Puntland oo ka cabanaya inay mushahar la’aan yihiin muddo bilo ah; waxayna saaka ku jarmadeen xaafaddaha Waqooyi-Galbeed ee magaalada Garowe, waxayna diideen in aaggaasi la galo ama laga baxo.

Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo uu socdo ololaha doorashada Puntland, waxaana Garowe ku sugan madaxweynaha muddo xileedkiisu sii dhammaanayo ee Siciid C/llaahi Deni iyo Musharixiintii ugu faraha badneyd.

Ciidamada Puntland ayaa marar badan iyagoo gadoodsan xirta wadooyinka magaalooyinka si ay u muujiyaan xaaladda ay ku sugan yihiin iyo mushaar la’aanta heysata.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON