Friday, April 19, 2024

Ciidamo Gadoodsan oo xirtay Wado Muhiim ah oo tagta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Ciiiamo gadoodka oo ayaa xirtay Wadadda Afisyoone ee tagta garoonka diyaaradaha Muqdisho, kadib markii ay sheegeen inay muddo waayeen mushaarkoodii.

Ciidamada gadoodsan oo ah kuwa Badda ee Soomaaliya ayaa saaka gebi ahaan joojiyey isu socodka gaadiidka wadadda Afisyoone waxayna sheegeen inaysan wax Mushaar qaadan muddo 9 bilood ah, ayna waxba u qaban waayeen saraakiishooda, taasoo keenay inay tallaabadan ku dhaqaaqaan.

Ciidamada Badda Soomaaliya ayaa ah kuwo kooban oo aan daryeel fiican la siin, waxaana hore dhowr jeer qeylo dhaan u soo saaray taliyaha ciidamadaasi oo sheegay in dhulkoodii laga iibiyey shirkado ganacsi, isla markaana aan la siinin xuquuqdooda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON