Sunday, August 3, 2025

Ciidamo Gadoodsan oo xirtay Wadooyin u dhow Madaxtooyada Somalia (Sawirro)

Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka dowladda Soomaaliya ayaa maanta xirtay wadooyinka u dhow Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia, iyagoo ka cabanaya inaan wax mushaar ah la siin muddo dhowr bilood ah.

Ciidamadan oo si weyn u hubeysan ayaa xirtay wadooyinka soogala Taallada Daljirka Dahsoon illaa barta ciidamda Madaxtooyada ee Xaawo Taako, waxana Ciidamadan ka mid yihiin qeybta 27-aad ee xoogga dalka, iyagoo wata gaadiidka dagaalka iyo hub kala duwan.

Qaar ka miuda saraakiisha ciidamadan ayaa ku dooday in muddo sanad iyo 9 bilood ah aan siinin wax mushaar ah oo ahaa xaqooda, waxyana ciidamadan ka howlgalaan Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Gobolka Hiiraan.

Ciidamadan ayaa shegay inay kasoo baxeen aagga u dhaxeeya Balcad iyo Jowhar, waxayna ahayeen ciidamo ka tirsan qeybta 27-aad, guutada 22-aad, kuwaasoo xuquuq la’aan ahaa in muddo ah oo aanay wax lacag ah ugu dhicin xisaabaadkii loo furay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON