Ciidamada Booliska ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay ciidamo ilaalo u ah mas’uul ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo gaari ay wateen oo rasaas ku furay dad shacab ah.
Taliyaha ciidamada Booliiska G/Banaadir Col. Bishaar Abshir Geedi ayaa sheegay inay qabteen gaari uu lahaa masuul ka tirsan dowladda iyo ilaaladii saarneed gaariga, kadib markii ay rasaas ku fureen ad shacab ah oo marayay jidka hor mara Dekeda weyn ee Magaalada Muqdisho.
Rasaasta ay fureen ilaalada la qabtay ayaa dhaawacday dhowr qof, taasoo keentay inay ciidamada qabtaan gaariga oo aan la shaacin mas’uulka lahaa.
Ciidamada kala duwan ee ilaalada madaxda dowladda ayaa caadiyan rasaas u adeegsada wadooyinka ay marayaan iyadoo sidaas ku dila dad shacab ah.
Goobooge.com