Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Gen. Bashiir Cabdi Maxamed ayaa dalka Jabuuti tababar ugu soo xiray halkaasi Cutubyo ka tirsan Boliiska Soomaaliyeed.
Tababarkan oo soconayay muddo Saddex Bil ah, ayay Ciidanku ku qaadanayeen Dugsiga tababarka Booliska Dalka Jabuti ee Idiris Faarax Habane,iyagoo baranayay casharro ay ka mid ahaayeen, sugidda amniga, baarista fal dembiyeedyada iyo ka hortagga rabshadaha.
Xafladdii lagu soo xirayay tababarka ayaa waxaa ka qayb galay, Wasiirka arrimaha gudaha ee Dalka Jabuuti ,Wasiiru Dowladaha wasaaradda ganacsiga Soomaaliya, Taliyaha Ciidamada difaaca ee Dalka Jabuuti Gen, Sakariye Sheekh Ibraahim, Taliyaha Ciidanka Booliska Dalka Jabuuti, Col. C/llaahi Cabdi Faarax, iyo Mas’uuliyiin kale.
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliya, S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed ,ayaa ammaan ballaaran u jeediyay Taliyaha Ciidanka Booliska Jabuuti Col, Cabdillaahi Cabdi Farax , Taliyaha Ciidamada Difaaca Jabuuti iyo madaxda Dalkaasi. Isagoo ugu mahad celiyay doorka Walaaltinimada leh ee ay ka qaateen soo celinta tayada Ciidanka Soomaaliyeed iyo soo kabashada Qarannimada.
Wuxuu sidoo kale amaan u jeediyey Taliyuhu Ciidamada Booliska Somaliyeed ee tababarka ku qaatay Jabuuti, isagoo kula dardaarmay inay si xilkasnimo leh u gutaan waajibaadkooda Qaran ee ka saaran Dalkooda iyo Dadkooda.



