Galmudug ayaa sheegtay inay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug siiba qeybta ay ka taliyaan ee Koofurta Magaalada lagu qabtay 30 ka mid ah Shabaabkii Puntland kula dagaalamay Degaanka Garacad oo qarsoodi ku soo galay Gaalkacyo.
Dagaalameyaashaan ka tirsan Al-shabaab ayaa laga soo qabteen Xaafado, lamana sheegin qaabka ay ku soo galeen iyadoo qaarkood ay haween yihiin.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Galmudug ee Gaalkacyo ku sugan ayaa sheegay in 30 kamid ah Al-shabaabkii ciidamada Puntland kula dagaalamay Aagga Garacad oo laba ka mida ay haween yihiin gacanta lagu dhigay, laguna hayo saldhig ku yaala Gaalkacyo.
Maleeshiyada la qabtay ayaa la sheegay inay qaarkood hubeysan yihiin, halka qaarka kale ay hubkoodii tuureen dadka caadiga ah isku dareen.
Alshabaab badan oo firxad ah ayaa lagu sheegay inay ku jiraan degaanada Gobolka Mudug, waxayna dadka reer Miyiga ah soo sheegeen inay arkeen dabley fara badan oo baahi iyo oon qaba, kuwaasoo habqan ahaa.
Goobjooge.com