Wednesday, June 25, 2025

Ciidamo ka tirsan AMISOM oo lagu Qarxiyey Suuqa Xoolaha & Qof rayid ah oo ay toogasho ku dileen

Qarax Miino ayaa ka dhacay gelinkii dambe ee maanta xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa, magaalada Muqdisho iyadoo lala beegsaday ciidamo ka tirsan AMISOM oo kolonyo ahaa.

Qaraxa oo xoog lahaa ayaa loogu taloglay ciidamada AMISOM, waxaase la sheegay inaysan waxba kasoo gaarin gaadiidkii ay wateen ciidamada oo ku socday wadadda Balcad, laakiin markii qaraxu dhacay ayaa askartii la socotay Kolonyada AMISOM rasaas xoog leh fureen taasoo qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Rasaasta Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday qof rayid ahaa oo meel u dhow goobta ay qaar kale ku dhaawacmeen, waxayna Kolonyada AMISOM iska sii wadatay socodkooda.

Ciidamada dowladda ayaa markii danbe gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, waxayna halkaasi ka qaadeen qofkii shacabka ahaa ee ay dileen ciidamada AMISOM.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON