Wararka laga helayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in is rasaaseyn dhex martay ciidamo boolis ah iyo kuwo ka tirsan milateriga Soomaaliya.
Is-rasaaseynta ayaa ka dhacday Degmada Hodon, gaar ahaan agagaarka Sey Biano, kadib markii sida la sheegay Ciidamo ilaalo u ah General Sheegoow Axmed Cali oo ka tirsan Ciidamada Xooga Dalka ay isku dhaceey ciidamo Boolis ah oo bar koontorool ku leh agagaarka Sey Biano, waxaana iska ho rimaad dhex maray labada dhinac uu dhaliyey qasaare.
Wararka aya sheegaya in ciidamada ilaalada u ah Gen. Sheegow ay doonayeen inay xoog ku furtaan Wadadda oo ciriiri badan ka jiray, ayna damceen inay xoog ku jiiraan gadiidkii ka horeeyay, kadibna ay xaaladda soo farageliyeen ciidamada Booliska oo ilaaladasi ku amrtay inay safka galaan, balse ay isku dhaceen. waxaana ku dhaawacnay saddex qof oo ay ku jirto haweeney.
Jeneraal Sheegow iyo ilaaladiisa ayaa la sheegay inay ka yimaadeen Gobolka Sh/Hoose, isagoo ku soo laabtay Magaalada Muqidsho.
Ilaalada Jeneraalka ayaa Bishii September waxay hore u geysteen fal noocan oo kale ah, kaasoo ay ku dileen gabar yar oo dhigata Dugsiga Hoyga Xamar, iyadoo markaas la sheegay in dilkaasi loo xiray askar ka mida ilaalada Jeneraal Sheegow oo isagu beeniyay inay ilaaladiisu ku lug lahayd dilka gabadha.
Gabar Arday ah oo lagu dilay is-rasaaseyn ka dhacday Magaalada Muqdisho