Waxaa maanta tababar loogu soo xiray dalka Jabuuti Saraakiil iyo askar ka tirsan Booliska Soomaaliyeed oo muddo seddex bilood ah tababar kusoo qaatay dalkaasi.
Taliyaha Hoggaanka Baarista Dembiyada ee C.I.D-da Jen. Saciid Axmed Kediye ayaa ka qeyb galay xafladda ka dhacday magaalada Jabuuti oo lagu maamuusay xeritaanka tababarka. General Kediye oo ku hadlayey Magaca Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Dowladda Jabuuti iyo Talyaaniga uga mahad eliyey sida hagar la’aaneed ee tababarka ay u siiyeen Ciidaka maanta tababarka loo soo xiray.
Ciidanka Tabarka loo soo xiray ayaa goobta ku soo bandhigay waxyabihii la baray mudada uu tabarka u socday waxyaabihii ay soo bandhigeen waxaa kamid ahaa sida looga hortago rabshadaha xilliyada ay mudaaharaadyada ay socdaan.