Cutub ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa tababar ku saabsan la-dagaallanka Argagixisada ku qaadanaya magaalada Izmir ee dalka Turkiga, kaasoo ka mida taageerada amniga ee dowladda Turkiga siineyso ciidamada dowladda Soomaaliya.
Tababarkan oo heer sare ah ayaa ciidamada gaarka ah ee Booliska lagu barayaa qaabka burburinta iyo ka hortagga miinooyinka dhulka lagu aaso, baarista goobaha dambiyada ka dhacaan iyo fulinta howlgalada gaarka ah ee ciidamadu ku qaadaan goobaha lagu tuhunsa yahay argagixisada hubeysan.
Ciidamadaan ayaa la sheegay in muddo bilo ah uu tababarka u socday, waxaana ay isugu jiraan qaybo kala duwan oo marba tababaro gaar ah lagu siinayo goobaha buuralayda magaalada Izmir.
Dowladda Turkiga ayaa muddooyinkii u dambeeyay si wayn uga qeyb qaadanaysay tababarka Ciidamada qalabka sida, waxaana ay boqolaal askari ay ku soo tababartay dalkeeda, kuwaasoo isugu jira Ciidamo Boolis iyo kuwo ka tirsan xoogga dalka.

