Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in iska hor imaad dhex maray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya uu dhaliyay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Ciidamada oo ka tirsan milateriga ayaa isku rasaaseeyay degmada Kaaraan, agagaarka Saldhigga Degmada Kaaraan, waxaana ku dhintay haweeney ka mida ganacstada suuqa Kaaraan, waxaana rasaasta labada ciidan ee is weydaarsadeen ay dhaawacmeen qof kale.
Dadka degaanka ayaa sheegay in ciidamada dagaalamay ay goobta isaga carrareen markii ay geysteen qasaaraha dhimashada iyo dhaawaca leh, waxayna ahaayeen ciidamo lug ku socda oo qaarkood ay maleeshiyooyin ahaayeen. Arrintan waxay ka mid tahay isku dhacyada joogtada ah ee dhex mara ciidamada dowladda.