Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya inuu dagaal culus ku dhex maray duleedka degaanka Qalimow ee Gobolka Sh/Hoose ciidamo ka tirsan dowladda iyo maleeshiyo beeleed.
Dagaalka Galabta ilaa maqribtii socday ayaa ka dhacay duleedka degmada Qalimow, waxaana la sheegay in Ciidamada oo ka tegay magaalada Muqdisho ay kusii jeedeen magaalada Jowhar, waxayna ka weecden jidka iyadoo ka wareegtay degaana Ilbaq oo ay kooxda Alshabaab weerarrada ka geysato.
Intii ay ciidamada ku socdaalayeen wado qardo-jeex ah ayaa la sheegay inay rasaas kala kulmeen maleeshiyo beeleed ku sugan duleedka degaanka Qalimow, iyadoo u maleysay maleeshiyo beeleed kale oo dagaal kala dhaxeeyay.
Dagaalka dhex maray ciidamada dowladda iyo maleeshiyo beeleedkaasi ayaa dhaliyey qasaare dhimasho iyo dhaawac leh, waxayna ciidamadu dileen afar ka mida maleeshiyada , iyagoo nolosha ku qabtay saddex kale oo ay hore u wateen, waxayna caawa geeyeen magaalada Jowhar.
Kolonyada ciidamada dowladda ee ku sii jeeday magaalada Jowhar ayaa u qaatay maleeshiyada ay dagaalka la galeen Alshabaab oo degaankaasi ka howlgasha.