Tuesday, June 24, 2025

Ciidamo ka tirsan dowladda oo ku dagaalamay Xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho & Qasaare…

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamo ka wada tirsan dowladda federaalka ay ku dagaalameen xaafad ka tirsan degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Dagaalkan ayaa ka dhacay Xaafadda Xalane ee degmada Wadajir oo ay ku dagaallameen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, wuxuuna ka dhashay kadib markii ciidamadasi oo kala koox ahaa ay isku qabsadeen lacag laga qaadayay guri laga dhisayey Xaafadda Xalane.

Dadka degaanka ayaa sheegay in Ciidamadan ay kala ahaayeen Milatari qaab beeleed u abaabulan iyo ciidamada amniga Muqdisho, waxaana iska hor imaadka dhex maray ku dhintay hal Askari, iyadoo ay ku dhaawacmeen dad shacab ah.

Isku dhacyada ayaa ku badan degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley oo ay ka qowleystaan kooxo milateri sheegta oo qaab beeleed u abaabulan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON