Wednesday, June 25, 2025

Ciidamo ka tirsan dowladda oo Rasaas ku furay Dad rayid ah magaalada Muqdisho & Qasaare ka dhashay

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ka yimid Gobolka Sh/dhexe ay rasaas ku fureen dad shacab ah oo ku sugnaa suuqa xoolaha ee magaalada Muqdisho.

Ciidamadan oo watay laba gaari oo kuwa dagaalka ah ayaa xalay degaanka suuqa xoolaha ka soo galay dhinaca Maslax iyadoo ka yimid degmada Balcad, waxayna rasaas ku fureen ganacsato iyo dadweyne ku sugnaa wadadda hareeraheeda, taasoo dhalisay dhimasho iyo dhaawac.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in rasaasta ciidamada uu ku dhintay nin watay gaari yar oo ku raaxada ah iyo laba qof oo kale, waxaana rasaasta ciidamadaasi ku dhaawacmay 7 kale, waxaana goobta ka baxsaday ciidamadii falkaasi geystay.

Falkan ayaa ahaa mid ku cusub dadka degaanka suuqa xoolaha iyadoo halkaasi ay marar badan qaraxyo lagula beegsaday ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON