Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Darawal Mooto bajaaj lagu diley degmada Karaan ee Gobolka Banaadir.
Dilka darawalka ayaa la sheegay inay geysteen ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya oo watay gaari Cabdi Bille, waxayna si bareer ah rasaas ugu fureen Darawalka Mooto Bajaajta, kadib markii uu dhex maray muran, waxayna si xowli ah uga baxsadeen goobta iyagoo aan dib u soo laaban.
Waxaaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka iyo maamulka degmada Kaaraan, iyadoo Meydka loo qaaday xarunta CID-da. wuxuuna dilka ka dhacay iridka hore ee saldhiga degmada Kaaraan ee Gobalka Banaadir.
Ciidamada kala duwan ee dowladda ayaa si joogto ah u dila Darawalada mooto bajaajta ka shaqeeya magaalada Muqdisho.