Wednesday, June 25, 2025

Ciidamo ka tirsan Milateriga oo Degmada Afgooye ku xayiray Boqolaal Baabuur oo ganacsi u sida K/Soomaalia

Xaalad cusub ayaa kasoo korortay ciidamada dowaldda ee ku sugan Gobolka Sh/hoose, kadib markii ay xayireen Gaadiidkii isaga gooshi jiray magaalada Muqdisho iyo Gobollada Koonfureed ee dalka.

Degmada Afgooye ayaa la soo weriyey inay ku xayiran yihiin Gaadiid xamuul oo ku dhow 300, kadib markii ay ciidamada milateriga isbaaro u dhigeen, kuna soo rogeen lacago fara badan, waxayna mamulka Gobolka Sh/hoose ee K/Galbeed iyo Darawallada gaadiidkaasi ka qeylo dhaan u direen madaxda dowladda Soomaaliya.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellaha Hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle ayaa ciidamada dowladda ku eedeeyay inay cunaqabateyn ku hayaan umadda Soomaaliyeed ee ku nool Koonfurta Soomaaliya oo muddo toddobaad ah ay xayireen Gaadiidkii ganacsiga u waday degaanadaasi.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay isugu jiraan maleeshiyo degaanka ah, ciidamo iskood isu  abaabulay iyo qaar ka tirsan ciiiamada milateriga ee ka qaraabta Gobolka Sh/hoose, iyagoo ku doodaya inaan mushaar la siin.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay taliska ciidamada xoogga dalka iyo dowladda Soomaaliya, waxaana  gobolka Sh/hoose ka mid yahay meelaha ugu darran ee ciidamo sheegta milateri ay ku dhibaateeyaan shacabka iyo gaadiidka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON