Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamo ka wada tirsan ay ku dagaallameen xaafado ka mida degmooyinka Gobolka Banaadir.
Iska hor imaadka hore ciidamada dowlladda kud hex mara degmada Hodon, agagaarka Trebuunka, iyadoo la sheegay inay ku dhawacmeen laba qofi, kadib markii ay isku dhaceen ciidamo isku heysta Guryo Dowladeed oo ku yaalla Nawaaxiga Isgoyska Trebuunka ee Degmada Hodan.
Dhinaca kale Ciidamo kale aya ku dagaalamay galabta israsaaseyn degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir. Israsaaseyntan ay timid kadib muran ka dhashay Dhul ku yaalla Xaafadda Cali Geedi ee Degmadaasi Kaaraan.
Ma jiro illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Laamaha Ammaanka oo ku aadan Iska Hor Imaadyada maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Iska hor imaadyada dhex mara ciidamada dowladda ayaa joogto ka ah magaalada Muqdisho, iyadoo qasaaraha ka dhasha aan cidna loo raacin.