Dagaal u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalk0a Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho oo u dhow xarumaha waaweyn ee Ganasiga iyo Shirkadaha isgaarsiinta iyo suuqa weyn ee Bakaaraha.
Dagaalkan ayaa mar qura ku bilowday rasaas culus oo ay isku weerareen askar laba dhinac oo goobtaasi isku helay, wuxuuna dagaalkani dhaliyay inuu hakado ganacsigii iyo isu socodkii jidka weyn ee gala suuqa Bakaaraha. Dad goobjooge ah ayaa sheegay in askari lagu dilay dagaalkaasi isku dhaca ah oo meydkiisa meesha yaalay iyadoo mid kale oo isla askarta dagaalantay ka mida lagu dhaawacay.
Lama oga dhinacyada ay askarta dowladda ee dagaalku dhex maray ka tirsan yihiin iyo sababta ay u dagaalameen midna, laakiin waxay caddeyn u tahay sida ay u sii xumaaneyso xaaladda ammaanka Muqdisho xilli hay’adaha amaanka ku mashquulsan yihiin xariga saxaafadda iyo saxafiinta.
Dhacdada maanta waxay weji gabax ku tahay hay’adaha ammaanka iyo talisyada ciidamada oo ku dhex dagaalamaya shacabka dhexdiisa, waxayna dib ugu celineysaa xaaladda xilligii kumeelgaarka ahaa oo dhacdooyinkan ay joogto ahaayeen.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]