Thursday, June 26, 2025

Ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda oo ku dagaalamay degmo ka tirsan Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in iska hor imaad uu dhex maray cidiamo ka wada tirsan kuwa dowladda federaalka.

Iska hor imaadkan ayaa ka dhacay degmada Yaaqshiid, wuxuuna ka danbeeyay khilaaf soo kala dhex galay Gudoomiyaha degmada Yaaqshiid iyo taliyaha Nabadsugida degmada, kaasoo markii danbe keenay inay ciidamadooda ay isk d hacaan.

Wararka ayaa sheegaya n Gudoomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Xasan Maxamuud  amar ku bixiyay in la xiro taliyaha NISA ee degmada, iyadoo labada ciidan uu dagaal kooban dhex maray, waxaana la sheegay in saddex askari lagu dilay iyadoo qaar kalena lagu dhaawacay.

Ciidamada Booliska ayaa gaaray goobta shaqaaqadu ka dhacday iyadoo xaaladda ku soo celiyay xasilooni, iyadoo isku dhacyada ciidamada dowladda ay ku soo noqnoqdeen caasimadda Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON