Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamo ka wada tirsan milateriga Soomaaliya uu dagaal ku dhex maray Xaafada Xoosh ee degmada Dharkeynley, Gobolkan Banaadir.
Dadka degaanka ayaa sheegay in dagaalku labada ciidan uu bilowday markii Gaari ay wateen ciidamo ka tirsan Milaterigha uu weerar ku qaaday xarun ay ciidamo kale oo Millateri ah ku leeyihiin Xaafada Xoosh, taasoo keenay in labada dhinac iska hor imaad dhex maro, waxaana halkaasi ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Wararka laga helay ayaa sheegay inuu is-rasaaseynta ku geeriyooday hal askari, iyadoo ay ku dhawacmeen saddex kale. waxaan ciidamada weerarka qaaday la sheegya inuu waday sarakaal ka tirsan ciidamada Milateriga oo magaciisa lagu sheegay Liibaan Madaxweyne oo ka tirsan guutada Saddexaad, iyadoo ay isku dhaceen ciidamo kale oo sarkaal kale uu watay.
Xaaladda ayaa markii danbe caadi ku soo noqotay markii ay goobta ka tageen ciidamadii weerarka qaaday, ma jiro wax war ah oo kasoo baxay hay’adaha amniga dowladda Somalia.