Wararka laga helayo Gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu dagaal ka dhex qarxay saaka ciidamo kasoo kala jeeda Galmudug iyo Puntland.
Dagaalka ayaa ka socda deegaanka Taaroge ee Gobolka Mudug, oo dhowr jeer ay labada dhinac ku dagaalameen arrimo la xiriira aano hore iyo dhul la isku heysto, iyadoo wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in la isku adeegsanayo hubka waaweyn ee gaadiidka dagaalka.
Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka oo weli socda, mana jiraan oo kasoo baxay labada maamul ee Puntland iyo Galmudug.
