Wednesday, June 25, 2025

Ciidamo Kenyaan iyo Soomaali ah oo lagu dilay Qarax ka dhacay Degaanka Hosingow

Qarax qasaare geystay ayaa la sheegay inuu qabsaday ciidamo isugu jira Kenya iyo Soomaali oo ku sugnaa degaanka Hoosingow ee Jubbada hoose.

Qaraxa ayaa ka dhashay gaari ciidan oo jiiray miino dhulka loogu aasay, taasoo keentay qasaare weyn oo gaariga iyo ciidamadii saarnaa soo gaara.

Dadka degaanka ayaa sheegay in askarta oo waday sahay ay ka dhinteen 7 askari oo 4 ka mida ay Kenyaan yihiin. Alshabaab ayaa sheegatay inay qaraxa ku dileen 7 ka mid ah ciidamada Kenya iyo shan askari oo ka tirsan ciidamada Soomaalida.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay ciidamada Kenya iyo saraakiisha Soomaalida oo kusaabsan qasaaraha qaraxa ka dhacay Hoosingow.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON