Monday, July 14, 2025

Ciidamo ku dagaalamay Degmada Warsheekh iyo Xaalad dagaal oo ka taagan

Wararka laga helayo gobolka Shabeelada Dhexe ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan Milatariga dowladda Soomaaliya uu halkaasi ka dhacay.

Labada ciidan ayaa rasaas culus is weydaarsaday, waxaana la sheegay in ugu yaraan uu hal askari ku dhintay , waxaan dhaawac soo gaaray dhowr askari oo kale.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalku ka dhashay is-maandhaaf dhex maray labada ciidan oo isku qabsaday Kontaroolka laga soo galo degmadaasi oo lacag looga qaado Gaadiidka.

Ciidamada milateriga ayaa diidanaa in isbaaro la dhigto degaankaasi, waxaana dhacday in ciidamo halkaas ku sugan ay weeraraan ciidamo kale oo isbaaro dhigtay.

Dadka degaanka ayaa sheegay in Ciidamada Milatariga ay weerar ku qaadeen guriga guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka degmada Warsheekh oo loo heysto inuu ka danbeeyo ciidamada isbaarada dhigtay, sidaasina dagaalku ku dhacay.

Ciidamada dagaalamay ayaa la sheegay inay iminka isku horfadhiya gudaha degmada Warsheekh, waxaana taagan xiisad laga cabsi qabo in dagaal kale uu ka dhex qarxo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON