Saturday, July 5, 2025

Ciidamo Milateri ah oo ku qaraabanayey magaca Daacish oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

Rag hubeysan ku lebisan ciidamada dowladda oo la sheegay inay ka tirsan yihiin ciidamada milteriga ayaa lagu qabtay degaanka Garasbaaley ee magaalada Muqdisho iyadoo ku qaraabanayey magaca Daacish oo ay sheegeen inay ka tirsan yihiin.

Guddoomiyaha degaanka Garasbaaley C/raxmaan Axmed Cali  ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen raggab oo ka koobnaa laba nin, kuwaasoo dhibaato ku hayey shacabka ku dhaqan degaankaasi, iyagoo sheegtay inay ka tirsan yihiin kooxda Daacish, sidaasina ay lacag uga qaadanayeen

Raggan ayaa la sheegay inay rasaaseeyeen Guryo la degan yahay, isla markaana ay joojiyeen Dhismooyin ka socday degaankaasi, markii ciidamada ay gacanta ku dhigeen ayaa la ogaday inay ka tirsanaayeen ciidamada  xoogga dalka gaar ahaan guutada labaad.

Waa dhacdadii ugu horeysay ee nooceeda ah oo lagu arko magaalada Muqdisho in ciidamo ka tirsan milateriga ay sheegtaan Daacish isla markaana lacago baad ah uga qaateen dadka ama ku dhibaateeyaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON