Ciidamo ka tirsan milateriga Soomaaliya ee ka howlgala Gobolka Sh/dhexe ayaa weerar ku qaaday oo la wareegay Bar koontarool oo ay canshuurta ku qaadaan maamulka Hirshabeelle, kaasoo dhowaan lagu wareejiyey.
Guddoomiye ku xigeenka Gobalka Shabeelaha Dhexe Cabdullaahi Shataawe ayaa ku eedeeyay in Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya inay ka qabsadeen bartii degaanka Ceel-cade ee Jidka Bari oo ahayd tan ugu weyn ee canshuurta looga qaado Gaadiidka isaga goosha Magaalada Muqdisho Gobollada Sh/dhexe iyo Galgaduud.
Ciidamadan oo ay wateen saraakiil uu magacaabay oo ka tirsan qeybta 27aad ee ciidamada Xoogga dalka ayaa sidoo kale qaatay lacag shalay la ururiyey oo gaareysa 170 Milyan oo Shilin Soomaali ah, waxayna goobtaasi ka eryeen ciidamadii iyo saraakiishii canshuurta ee Hirshabeelle.
Barta Koontaroolka degaanka Ceelcadde oo ay hore ciidamo milateri ah u joogi jireen ayaa dhowaan lagu wareejiyey maamulka Hirshabeelle, kadib heshiiskii magaalada Baydhaba ee madaxda dowladda iyo maamul Goboleedyada, waxaana muddo 10 maalmood ah gacanta ku hayey, iyadoo ay dib ula waregaan ciidamada milateriga oo Gobolka Sh/dhexe ku caan baxay isbaaro ay lacago ku qaataan.
Taliyeyaasha urur iyo horin ee falkaas ku lugta lah ayuu guddoomiye ku xigeenka Sh/dhexe magacyadooda ku sheegay C/kariin, Xasan Gacamey iyo C/rashiid, kuwaasoo ka tirsan qeybta 27aad ee ciidamada Milateriga.