Sunday, June 22, 2025

Ciidamo u jiheystay Gobolka Sh/Hoose iyo Howlgalkii ugu horeeyay oo ka bilowday

Ciidamda dowladda ayaa markii ugu horeysay howlgal ugu jiheystay Gobolka Sh/Hoose ee Maamulka K/Galbeed, iyagoo baro koontarool kala wareegay Alshabaab.

Howlgalkan oo ay iska kaashadeen Ciidanka NISA iyo kuwa Booliska ee Haramcad ayaa war kasoo baxay dowlada Federaalka lagu sheegay in sifeeyay waddada isku xirta magaalooyinka Muqdisho ilaa Marko.

“Waxay ciidamadu burburiyeen xarumo qarsoodi ahaa oo Alshabaab ku lahaayeen degaannada Ceel-maracade, Garas Gawaan, Galka Saalimo iyo degaano hoos taga Number 60, kuwaasi oo u ahaa maxkamad beenaadyo iyo xarumo ay dadka ku baadaan marka ay ugu yeertaan”. ayaa lagu yiri qoraalka.

Ad

Howlgalka oo ah kii ugu horeeyay ee in mudo ah loo qaado dhinaca Gobolka SH/Hoose ayaa la sheega inay ciidamadu ay xireen wadooyin Alshabaab ay u isticmaali jireen gudbinta gawaarida waxyaabaha Qarxa ay ku xiraan, kuna dileen horjooge iyo maleeshiyo la socday.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON