Monday, July 14, 2025

Ciidamo uu amray madaxweyne Farmaajo oo la dejiyay inta u dhaxeysa Ceelasha Biyaha & Afgooye

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la dejiyay inta u dhaxeyso deegaanka Ceelasha Biyaha iyo degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii uu amray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Arrintan ayaa ka dambeysay cabasho ka timid dadka degaanka oo ku saabsan ammaan darro ay halkaasi ka wadeen kooxda Alshabaab, iyadoo ciidamadan ay ka  hortageyaan  dhibaatooyinka ka dhici jiraydeegaanka Ceelasha Biyaha ilaadegmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose.

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal C/llaahi Cali Caanood oo Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xooga dalka kula hadlayay goobta la dejiyay ayaa kula dardaarmay ineysan baari karin gaari dad shacab ah ay saaran yihiin lana hadlin karin shacabka,balse ay xil iska saaraan sidii dhibaatooyinka kooxaha nabad diidka halkaasi ka geystaan looga maareyn lahaa.

Wuxuu sheegay Generaal Caanood in marar badan dhegahooda ay ku soo dhaceen weeraro iyo falal kale oo lid ku ah amaanka iney Al-Shabaab ka geysteen inta u dhaxeysa Afgooye iyo deegaanka Ceelasha Biyaha garteenna iney arintaasi mar kale soo noqon.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON