Tuesday, June 24, 2025

Ciidamo uu amray Ra’iisal Wasaare Kheyre oo la wareegay Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya

Ciidamada xasilinta iyo kua Madaxtooyada ayaa Caawa la wareegay xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Tallaaabadan ayaa la sheegay inuu amarkeeda bixiyey Ra’iisal Wasaare Xasan Cali  Kheyre iyadoo ujeedku yahay in Berri lagu qabto kulan uu guddoominayo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka C/weli Ibraahim Muudey oo looga doodo Mooshinka Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa goor dhoweyd shaaciyey in ciidamo uu soo amray Ra’iisal wsaaare Kheyre ay  si sharci darro ah ula wareegeen xaruntii Baarlamaanka, iyagoo ka saaray ciidamadii loogu talogalay ilaalada Baarlamaanka, taasoo ah wax laga xumaado.

Jawaari ayaa sheegay in laanta fulinta ee xukuumadda ay weerar ku soo qaaday xaruntii sharci dejinta, taasoo ka hor imaaneysa, waxaana uu intaas ku daray baaq qiiro leh oo uu u jeediyay xildhibaannada inay badbaadiyaan Baarlamaanka oo meel dhexdhexaad ah ay isugu tagaan una codeeyaan mooshinka laga wado.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaare Kheyre uu la wareegay Baarlamanka, isaguna uu qaadayo wixii dhibaato ah ee ka dhasha.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON