Wednesday, July 2, 2025

Ciidanka Kumaandooska ee Danab oo Tuulooyin ka tirsan Gobolka Sh/Hoose kala wareegay Al-shabaab.

Wararka laga helayo Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegay in guutada 16aad ee kumaandoosta ciidamada Danab ay maanta howlgal ka fuliyeen degaano ka mida gobolka Shabeellada Hoose, iyagoo kala wareegay tuulooyin dhowr ah.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in Ciidamada kumaandoosta ayaa si buuxda Alshabaab ugala wareegeen Tuulooyinka Moradiinle, Buula Miskiin, Macallinka, Baladul Amiin, Raqayle, Sabriye iyo Buula Bashiir ee Gobolka Sh/Hoose.

Taliyaha Guutada 16aad ee Danab G.le Ismaaciil ayaa sheegay in 20 ka mid ah kooxda Alshabaab lagu dilay intii uu socday howlgalka shacabka looga dul qaaday degaanadaas; wuxuuna intaas ku daray inay sii wadi doonaan howl-galladaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON