Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee ka howlgala deegaano hoos yimada degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa burburiyay saldhigyo Al-shabaab ay ku lahayeen qeybo kamid ah gobolkaas.
Taliyaha ururka 26 guutada sadaxaad ee ciidamada xoogga dalka gaashaanle sare Xasan Maxamed Abuukar (Xasan Jaamici) oo howlgalkaasi hogaaminayay ayaa aqiijiyay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ay burburiyeen saldhigyo Al-shabaab ku lahayeen deegaanada Mushaani iyo Janaale ee gobolka Shabellaha Hoose.
Co. Xasan Jaamici ayaa Sidoo kale sheegay in howlgalka lagu burburinayay fariisimaha Al-shabaab ay kala kulmeen weerar fashilmay wuxuuna sheegay taliyaha in dagaalka lagu dilay tiro ka tirsan nabad diidka Al-shabaab.
