Ciidamo gadoodsan oo ka tirsan Daraawiishta Puntland ayaa ka hadlay sababta ay u qabsadeen Koontaroolka magaalada xarunta ah ee Garowe.
Ciidankan ayaa sheegay inuu ka maqan yahay mushaar 7 bilood ah, waxayna caddeeyeen inaysan helin wax xuquuq ah oo kale, isla markaana ay doonayaan in la siiyo xuquuqdii ay lahaayeen.
Mid ka mida askarta oo la hadlay laanta Afka Somaliga ee VOA_da ayaa baaq u diray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, isagoo ugu baaqay inuu musuqmaasuqa baahay ee ka jira Puntland wax ka qabto.
DHAGEYSO