Tuesday, July 8, 2025

Ciyaarayahanka Ramos oo dhaawicii Mohamed Salah dartiis lagu qasbay inuu telefonkiisa ka xiro adeegga Whatsapp

Ciyaaryahanka kooxda Real Madrid ee difaaca uga cayaara Sergio Ramos ayey qasab ku noqotay inuu telefoonkiisa ka saaro adeegga whatsapp ee farriimaha kala duwan la isugu diro kadib falkii uu ku dhaawacay laacibka kooxda Liverpool ee reer Masar Mohamed Salah.

Arrintan ayaa ka danbeysay markii la helay telefoonka Ramos oo lagu faafiyey baraha bulshad, taasoo keentay  in Malaayiin reer Masar iyo Carab ah oo adeegsada baraha bulshada ay farriimo aflagaado iyo cambaareyn xambaarsan u diraan telefoonka ciyaaryahanka Ramos.

Waxaa la soo weriyay in Telefoonka Sergio Ramos uu awooodi waayey inuu xamilo farriimaha tirada badan ee lagu weerarrayo sidii arxan darrada ahayd ee uu sababta ugu noqday dhaawaca Salah, taasoo keentay inuu gebi ahaan iska saaro aaladda whatsapp-ka.

Xiriirka Yurub ee Legdenka ayaa war uu soo saaray ku sheegay in falka uu Ramos kula kacay Mohamed Salah laga mamnuucay ciyaarta legdanka, taasoo xaaladda uga sii dartay, waxaan soo baxaya warar sheegaya in xiriirka Yurub ee Kubadda Cagta uu baarayo arrintan.

Farriimaha loo diray Sergio Ramos ayaa lagu dalbaday in laacibkan dagaalyahanka ah la ganaaxo ama laga joojiyo ciyaaraha in muddo ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON