Tuesday, April 16, 2024

Hadal ka soo yeeray Madaxweynaha Faransiiska oo si weyn uga careysiiyey Boqortooyada Sacuudiga

Wasaaradda Arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa si kulul u beenisay war kasoo yeeray Madaxweynaha Faransiiska oo ku saabsan in Sacuudiga ay xabsi dalkeeda ku gelisay Ra’iisal Wasaaraha dalka Lubnaan Sacad Alhariri aakhirkii sanadkii hore.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa telefishanka BFM TV u sheegay in haddii aanu xalin lahayn xaaladii ka dhalatay is-casilaaddii Rafiq Alhariri oo Sacuudiga lagu xiray ay dhici lahayd in  dalka Lubnaan dagaal sokeeya ka dhaco.

Arrintan oo si weyn looga dooday ayuu madaxweynaha Faransiiska si cad u sheegay in dowladda Sacuudiga ay dalkeeda ku xirtay Ra’iisal Wasaare Alhariri oo magaalada Riyaad uga dhawaaqay inuu xilka iska casilay, isagoo eedeeyay Xisbullaah iyo dalka Iiraan, taasoo qalalaase weyn gelisay dalka Lubnaan.

Ad

Macron ayaa socdaal aan hore loo qorsheyn ku tegay Sacuudiga, isagoo dhaxalsugaha dalkaasi ku qanciyey inuu sii daayo Hariri, iyadoo markaas kadibna Ra’iisal wasaaraha Lubnaan ku marti qaaday magaalada Paris taasoo soo idleysay xiisadii ka dhalatay is-casilaadiisii Bishii Novembar 2017.

Sacuudiga ayaa si weyn uga gilgishay hadalka kasoo yeeray Madaxweynaha Emmanuel Macron wuxuuna mas’uul sare ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda maanta sheegay in hadalkaasi uu yahay been ka fog xaqiiqada, Sacuudigana uu had iyo goor ka shaqeeeyo xasiloonida Lubnaan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON