Monday, June 23, 2025

Ciyaarta Shataranjiga oo khilaaf weyn ka dhex dhalisay dowladaha Sacuudiga iyo Qatar

Dalalka Sacuudiga iyo Qatar ayaa isku maan dhaafay ciyaarta Shataranjiga kadib markii ciyaaryaho ka socda Dalka Qatar ay ka baaqsadeen inay ka qeyb galaan tartanka adduunka ee ciyaarta Shataranjiga oo ka furmeysa magaalada Riyad ee Boqortooyada Sacuudiga.

Muranka labada dal oo xiriirkoodu aanu fiicneyn kadib markii ay xiriirka isu jareen ayaa yimid markii xiriirka ciyaaraha Shataranjiga ee Qatar uu shaaciyey  inay u suurageli weday ka qeyb galka tartanka caalamiga ah ee Shataranjiga oo ka dhacaya dalka Sacuudiga, taasoo ay ugu wacan tahay in guddiga qabanqaabinaya tartanka ay diideen in calanka dalka Qatar ay qaataan ciyaartoyda reer Qatar.

Tartanka caalamiga ah ee ciyaarta Shataranjiga oo Riyaad ka soconaya 26 ilaa 30ka Decembar ayaa  xoghayaha xiriirka ciyaaraha Shataranjiga ee dalka Qatar Maxamed Mudixki ayaa sheegay in arrinta guddiga Sacuudiga ay ku kaceen ay tahay mid khilaafsan sharciga ciyaartaasi , isagoo ku eedeeyay Sacuudiga inuu ku kacay fal aan cudurdaar lahayn oo ciyaartoyda dalkiiisa loogu diidayo calankooda inay kor u qaadaan, loona diiday fiisayaashii dal-ku-galka Sacuudiga.

Ad

Dhinaca kale Sacuudiga ayaa jawaab degdeg ah ka bixiyay eedeynta kasoo yeertay dowladda Qatar, waxayna hay’adda guud ee ciyaaraha boqortooyada Sacuudiga ay caddeysay inay been abuur yihiin hadaladda kasoo yeeray xiriirka ciyaaraha Shataranjiga Qatar, iyadoo intaas ku dartay in fiisayaal ay udireen ciyaaryahanadda Qatar oo aanay jirin wax shuruud ah oo lagu xiray.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON