Monday, June 23, 2025

Ciyaarti Fiinalka Koobka Maamul Gobolleedyada oo dib loo dhigay [AKHRI SABABTA]

Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa  dib u dhigay kulanka kama danbeysta ah

ee Koobka Maamulada dalka oo lagu waday inuu Isniinta 25-ka July ka dhaco Garoonka Koonis Stadium ee magaalada Muqdisho.

War kasoo baxay xafiiska warfaafinta Xiriirka Kubada cagta Soomaliyeed ayaa lagu caddeeyay in  dib loo dhigay kulan ciyaareedka  fiinaalka tartanka kubadda cagta  Maamul Gobolleedyada  2016.

Ad

Ciyaartan oo ay ku herdami doonaan Maamul gobolleedyada  Jubaland iyo Puntland ayaa la dhaceysa maalinta Talaadada 3:30 Galabnimo, halka ay markii hore qorsheysneyd in la ciyaari maalinta Isniinta 25 July.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kooxda Puntland ay codsatay in dib loogu dhigo hal maalin si ay u hesho nasasho dheeraad ah oo ay ugu diyaar garowdo ciyaarta fiinaalka, waxaana lagu wadaa inay kasoo qeyb galaan madaxda labada maamul ee Jubba iyo Puntland oo Muqdisho u imaanaya shirka Madasha Qaran.

Jubaland waxay ciyaartii Afar-dhamaadka  gool-kulaad 8-7 kaga soo adkaaday kooxdii Banaadir, halka Puntland ay 1-0  uga soo badisay kooxdii Hiiraan/shabeelada Dhexe.

- Advertisement -

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON