Saturday, August 23, 2025

Ciyaaryahan lagu magacaabo SOMALIA oo ku biiray kooxda Alshabaab [Dood ka dhalatay baraha bulshada]

Ciyaaryahanka u dhashay dalka Brasil ee Wergiton do Rosario Calmon oo caan ku ah magaca Somália ayaa saddex-dii sano ee la dhoofay u safanayay naadiga faransiiska ah ee Toulouse.

Laacibkan 29-sano jirka ah ayaa haatan heshiis la galay naadiga Al-Shabab oo ka dhisan dalkaasi Sacuudi Carabiya, waxayna arrintan keentay dood weyn oo baraha bulshada ka dhalatay markii cinwaano waaweyn lagu soo qoray “Somalia oo ku biiray kooxda Alshabaab…!!”.

Macnaha al-Shabab ayaa ah dhalinyaro, balse dadka baraha bulshada isticmaalo ayaa durbadiiba u fakaraya dhinaca iyo ururka Al- shabaab oo ka dagaalamo gudaha dalka Soomaaliya.

Al-shabab oo xiriir la leh al-qaacidda ayaa waxay dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya oo ay taageerto Qaramada Midoobay. Tobankii sano ee la soo dhaafay waxa ay weeraro kala duwan ka geeysteen gobolka.

Naadiga Toulouse ayaa ku dhawaaqay inuu iibiyey cayaaryahanka Somalia maalintii Khamiista ahayd isagoo muddo 2 sano ah u saxiixay naadiga AlShabab ee ka dhisay magaalada Riyad ee dalka Sacuudiga.

Image result for Wergiton do Rosário Calmon

Image result for Wergiton do Rosário Calmon

Image result for Wergiton do Rosário Calmon

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON