Madaxweynaha Galmudug C/kariim Xuseen Guuleed ayaa ku baaqay dagaal lagu qaado koox aan ahayn Alshabaab oo degaanada maamulkiisa qas ka wada isagoo sheegay inay dhibaato weyn kooxdaasi ku heysto dadka iyo isu socodka Bulshada.
Kooxdan uuu dagaalka ku qaadayo madaxweynaha Galmudug aya ah maleeshiyo beeleed isbaarooyin u yaalaan degaano badan oo ka tirsan dhulka hoos taga maamulka Galmudug oo dhowr jeer ah dagaallo dhex mareen iyaga iyo ciidamo taabacsan maamulkaasi.
C/kariin Guuleed wuxuu sheegay inaysan marnaba u dulqaadan karin dadka jidka loo galo loona dhigto jidgooyo lagu dhaco hantida ay ku safrayaan, isagoo digniin u diray maleeshiyooyinka howshaasi ku dhex jira inay joojoyaan.
Wuxuu ku hanjabay wacadna ku maray inuu talaabo adag ka qaadayo kuwa shaqada ka dhigtay ficilada xun xun ee dhaca muwaadiniinta Soomaaliyeed, wuxuuna bulshada ku dhaqan deegaanada maamulka Galmudug ka codsaday inay ka shaqeeyaan xasiloonada iyo xoojinta dowladnimada.
Warka ka soo yeeray madaxweynaha Galmudug ayaa qeyb ka ahaa kulan looga hadlay sidii loola dagaalami lahaa kooxda Alshabaab oo ka dhacay magaalada Galkacyo.
Goobjooge.com