Wednesday, June 25, 2025

C/kariin Guuleed oo degdeg ugu laabtay Cadaado & xaalad ka heysata ciidamada Galmudug

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa si degdeg ugu laabtay xarunta kumeelgaarka ah ee maamulkiisa magaalada Cadaado kadib markii uu ka qeybgalay caleemo saarka madaxweynaha Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) isagoo aan ku hakan magaalada Muqdisho.

Abdikarin Guled

C/kariin oo ka mid ahaa wafdi ka soo anbabaxay magaalada Kismaayo oo ay ka mid ahaayeen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Shariif Xasan ayaa u sii gudbay magaalada Cadaado oo la sheegay inay xaalado degdeg ah oo ammaan ka jiraan, wuxuuna isla galabnimadii shalay gaaray halkaasi.

Wararka laga helayo magaalada Cadaado ayaa sheegaya in C/kariin uu isla xalay la kulmay taliyeyaasha ciidamada Galmudug oo ay ugu badan yihiin ciidamadii Galmudugtii Cabdi Qeybdiid iyo ciidamadii maamulka Ximan iyo Xeeb, isagoo kala hadlay xaaladda xiisad colaadeed ee ka dhex jirta maamulkiisa iyo Ahlu suna.

Waxaa xaalada uga sii daray kadib markii taliye ka tirsanaa ciidamada maamulkiisa uu  goostay una gudbay dhinaca Ahlu suna isagoo wata afar baabuurta dagaalka ah.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-7″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON