Tuesday, July 15, 2025

C/kariin Guuleed oo Gaalkacyo u tegay xiisada ka taagan ciidamada DANAB

Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo wafdi la socda ayaa  goor dhoweyd ka degay Garoonka Diyaaradaha  Okasha ee Koonfurta Gaalkacyo.

Wafdiga C/kariin Guuleed oo ay la socdaan wasiiro iyo madax ka tirsan Galmudug, waxaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Gaalkacyo, isagoo xaalad caafimaad u tegay dalka India oo qalliin looga sameeyay Wadnaha.

Wuxuu u mahadceliyay mas’uuliyiinta iyo dadkii faraha badnaaa ee ka qeyb galay soo dhaweyntiisa. Waxaa la filaya inuu kulamo kula yeesho magaalada Gaalkacyo mas’uuliyiinta iyo Qeybaha Bulshada Gobolka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa xal u raadinaya xiisad ka dhalatay ciidamo dowladda Soomaaliya u dirtay Gaalkacyo oo howlgallo qarsoodi ah ka fuliyay Koonfurta Gaalkacyo iyadoo aan lagu wargelin maamulka Galmudug, waxaana arrintaasi qeylo dhaan ka soo saaray maamulka Gaalkacyo ee Galmudug.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON