Wednesday, August 27, 2025

C/kariin Guuleed oo Jawaab cad u diray Safiirka Mareykanka, si weyna u difaacay Mahad Salaad & Jen. Gaafow

Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariim Xuseen Guuleed ayaa qoraal jawaab u diray Safiirka Maraykanka u jooga Somalia, Ambassador Stephen M. Schwartz.

Qoraalka  C/kariin Guuleed ayaa ku taariikheysnaa November 20-da ayuu ku sheegay inuu si dhab ah u qaatay Warqadii Safaaradda Maraykanka ee Somalia ay ku soo bandhigtay khaladaadka iyo Eedeymaha Nidaamka Doorashadda ee Galmudug.

guuleecd-safiirka-usaMadaxweynaha Galmudug ayaa qoraalkiisa ku sheegay inuu isbuucii hore ku mashquulsanaa xal-u-helista dagaalkii Galkacyo, wuxuuse  waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka Warbaahintu qoreen ee ah in  agaasimaha Hay’adda NISA, Jeneral C/llaahi Gaafow faragelin ku sameeyey Nidaamka Doorashadda  Galmudug iyo inuu u caga-jugleeyey Musharixiin iyo Oday Dhaqameed.

Akhriso Qoraalkii safiirka Mareykanka ugu hanjabay Madaxweynaha Galmudug [Maamulka ugu musuqa badan Doorashada]

Madaxweynaha Galmudug wuxuu kaloo beeniyay eedeynta loo jeediyay wasiiru-dowlaha Madaxtooyadda Dowladda Fedelka Mahad Maxamed Salaad oo la sheegay inay soo doorteen Qaraabadiisa, Shaqaalihiisa iyo Ilaaladiisa. Isagoo ku dooday inay isu keeneen Odayaasha Dhaqanka iyo Labada Ergo ee Beesha Cayr, isla markaana ay u midoobeen Doorashadda uu ku soo baxay Siyaasiga Mahad Maxamed Salaad.

Jawaabta madaxweynaha Galmudug ayaa imaaneysa iyadoo Mareykanku si weyn u ceebeeyay doorashada ka dhacday magaalada Cadaado, isla markaana lagu wado in Guddiga xalinta khilaafaadka doorashada ay go’aan ka soo saaraan dib ugu noqoshada ugu yaraan afar kursi oo lagu doortay Cadaado.

XOG CULUS: Magacyada xildhibaanada la kansalayo Doorashadooda & Kuraasta dib loogu noqonayo

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON