Thursday, June 26, 2025

C/kariin Guuleed oo maanta ku soo biiraya Shirka Madasha Qaran ee Muqdisho

Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa la sheegay inuu maanta imaanayo magaalada Muqdisho, isagoo ku biiraya shirka Madasha Qaran u socda.

C/kariin Guuleed ayaa xaalad caafimaad ugu maqnaa dalka India, waxaana qalliin looga sameeyay wadnaha iyadoo la sheegay in lagu guuleystay qalliinkaasi.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi ayaa u meteleya shirka Madasha Qaran oo lagu wado in maanta lagu soo gabagabeeyo magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda qabanqaabo la doonayo in lagu soo dhoweeyo Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON