Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug
Maxamuud Aadan Cusmaan ayaa caddeeyay in xaaladda caafimaad ee Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ay aad u wanaagsan tahay, kadib qalliin lagu guuleystay oo looga sameeyay dhinaca wadnaha.
Wasiirku waxa uu xaqiijiyay in madaxweynuhu uu xalay casho sharaf u sameeyay dhakhtarkiisa Ramakanta Panda, oo ka mida 25-ka dhakhtar ee ugu fiican dalka India, kaasoo horay ugu soo guuleystay qalliimo dhowr ah oo uu ku jiro Ra’isal Wasaaraha iminka talada ka haya waddanka Hindiya Narendra Modi iyo Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuled.
“Qalliinka waxa uu u dhacay sidii aan u qorsheynay, wax dhib ahna lagalama kulmin” ayuu yiri, Dr. Ramakanta Panda oo u mahad celiyay madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa baxnaaninta qalliinka lagu guuleytay kadib wuxuu xalay casho sharaf la qaatay dhaqtarkii qalliinka sameeyay,wuxuuna si weyn u bogaadiyay hawsha baaxadda leh ee uu qabtay Dr. Ramakanta Panda.
Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed ayaa howlo caafimaad ugu safray dalka Hindiya Saddex Todobaad ka hor, waxana la rajeynayaa inuu sida ugu dhaqsiyaha badan dalka ugu soo laabto si uu u sii ambaqaado howlahii hoggaamineed ee maamulka Galmudug.
DAAWO SAWIRRO
SONNA