Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa u jawaabay Madaxweynaha Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.
Qoraal jawaab celin ah oo C/kariin soo diray ayuu ku faahfaahiyay heshiis dhex maray Galmudug iyo Maamulka Soomalida Itoobiya, wuxuuna caddeeyay wixii dhex maray labada dhinac.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA C/KARIIN GUULEED
Heshiiskii Jigjiga
Waxaa xusid mudan in dabayaaqadii bishii Abriil ee sanadkii 2016kii ay qalalaaso iyo rabshado dhib dhimasho, dhaawac iyo barakacba leh ay ka dhasheen ay ka dhaceen Tuulooyin ku yaala Xuduudda Dowlad Gobaleedka Soomaalieey ee Galmudug iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, ayadoo arinkaas la xalinayo ayaan wadahal u tagnay Magaalada Jigjiga wadaxaajood dheerna halkaas ku gaarnay heshiis dhexmaray labada Maamul ee Galmudug iyo DDSI.
Haddaba maadaama uu Mudane Cabdi maxamed Cumar Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida uu heshiiskaas carabka ku dhuftay mar uu ka hadlayey arinka Cabdixakiin Muuse ( Qalbi Dhagax ) ayaan waxaan rabaa inaan halkaan ku cadeeyo arimaha soo socda:
In heshiiskaas uu ahaa mid u dhaxeeyay Labada Maamul Gobaleed ee mid guud uusan aheyn.
In heshiiskaas uu ahaa mid xalinayey xasaradaas xuduudda ka dhacday iyo sidii la iskaga kaashan lahaa amaanka iyo xasiloonida Xuduuddda labada dhinac, si loo xaqiijiyo ineysan arimahaan oo kale aysan dib u dhicin.
In dhinacna dhinaca kale uusan wax dhib ah oga imaanin xagiisa si amniga xuduudda loo adkeeyo.
Heshiiskaan marnaba kuma jirin kumana saabsaneyn wax maxaabiis is dhaafsi ah, anigoo qodabkaas sii cadeynayana
Waxaa xusid mudan in isla xiligaas aan Madaxweyne Cabdi Cumar ka codsaday inuu igu sharfo soo deynta Maxbuus Reer Galmudug u dhashay oo xiligaa ku xirnaa halkaas lana oran jiray CALI CILMI KHAYRE taas oo ay Madaxweynaha Dowlad Deegaanku ay ku adkaatay asagoo leh anigu awood uma lihi inaan qof xukun maxkamadeed uu ku dhacay aan siidaayo oo sharciga iima ogala aniguna waa ka garwaaqsaday, marka haddii uu jiray wax maxaabiis isweydaarsi ah oo aan heshiis ka wadagaarnay markaas ayaa Maxbuuskaas nala soo siin lahaa.
Gabagabadii waxaan rabaa inaan markale ku celiyo in nuxurka heshiiskaas uu ahaa sidaas aanana quseynin isdhaafsi Maxbuus.