Monday, July 14, 2025

C/raxmaan C/shakuur: “Runta haddaan sheego dowladda waa mid taag darran oo dibadda ku tiirsan…”

Musharax madaxweyne oo xilka kula tartamay madaxweynaha xilka haya ayaa ka dhawaajiyay qaabka ay ku shaqo bilowday dowladda Farmaajoinay tahay mid liita oo ku tiirsan dibadda.

C/raxmaan C/shakuur Warsame oo hore u soo noqday wasiirka Qorsheynta dowladii KMG ahayd ayaa bartiisa twitter-ka ku soo qoray in dowladda ay tahay mid ku tiirsan dibadda.

“Haddii aan runta ka hadlo dowladeenu waxay waxay sii noqoneysaa mid taag darran oo si weyn ugu xiran taageerada dibadda, taasoo sii xoojineysa ku tiirsanaan meesha  ka saareysa isku tashiga..” ayuu qoraalkiisa ku yiri C/raxmaan C/sharkuur.

Wuxuu kaloo sheegay  in taasi ay macnaheeda tahay in wadaddii isla xisaabtanka ay noqoto mid u dhaxeysa dowladda iyo deeq bixiyeyaasha, halkii la rabay shacabka, taasoo halis gelineysa sharcinimada dowladda.

C/raxmaan C/shakuur Warsame

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowaan sheegay in dowladda Sacuudiga ay bixineyso dhaqaale lagu kabo miisaaniyadda, waxaana sidoo kale midowga Yurub ay sheegeen inay bixinayaan mushaarka ciidamada booliska.

Musharax C/raxmaan C/shakuur ayaa ololihii doorashada madaxweynaha ku galay qorshe loogu magac daray ISKU TASHI, kaasoo dhaqaalaha dadka Soomaaliyeed ku dhisan, waxaana muuqata in madaxweyne Farmaajo aanu lahayn aragti  ku saabsan habeynta dhaqaalaha dowladda iyo canshuuraha.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON