Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa faahfaahin ka bixiyay wadahadalkii ay la yeesheen Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo hadda ku sugan magaalada Garowe, isagoo sheegay in Ra’iisal wasaaraha ay uga muuqatay inuu daba joogo 4.5 ay dowladiisu wado.
Faroole ayaa sheegay in 4.5 lagu doonayo in dib loo soo doorto Xasan Sheekh Maxamuud, taasina aysan aqbali karin, ayna ka mideysan yihiin xukuumad iyo shacabka Puntland inaan la aqbalin 4.5.
Faroole ayaa wareysi uu siiyay Rado Garowe si weyn u dhaliilay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isagoo sheegay inuu afduubtay Muqdisho, Xamarna uu la haray oo dadka kale ka reebay, degaanada ku xeerana ay dulmi iyo gumeysi ku jiraan.
DHAGEYSO CODKA FAROOLE
Goobjooge.com