Madaxweynihii hore ee Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa 4tii sano ee Xasan Sheekh uu xilka hayay ku tilmaamay qasaare, NGO iyo bililiqo.
Wuxuu sheegay in saacaddaas uu hadlayay ku eg yahay kursiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo sheegay in wixii ka dambeeya loogu yeeri doono madaxweynihii hore ee Soomaaliya.
Wuxuu ugu baaqay Xasan Sheekh inuu banneeyo xafiiska Axadda 11-ka September, mar haddii uu dhameystay afartii sano ee uu dalka maamulayay.
“Afartii sano ee Xasan Sheekh Maxamuud waxay ahayd afar sano oo NGO ah, Afar sano oo bililiqo ah iyo Afar sano khasaaro ah, waana inuu xafiiska ku wareejiyaa Guddoomiye Jawaari inta laga soo dhisayo Dowlad cusub, ” ayuu yiri Faroole oo muddooyinkan dambe aan warkiisa la maqal.
C/raxmaan Faroole ayaa lagu xusuustaa inuu muddo sanad ah iskiis xilka ugu darsaday markii ay ka dhammaatay xiligii sharciga ahaa ee uu madaxweynaha ka ahaa Puntland.
Goobjooge.com