Thursday, April 18, 2024

C/raxmaan Faroole oo iska casilay Guddiga Dastuurka Baarlamaanka Soomaaliya [Warbixin]

Wararka laga helayo guddoonka Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegaya inuu C/raxmaan Maxamed Faroole iska casilay Guddiga Dastuurka.

C/raxmaan Faroole ayaa la sheegay inuu ka baxay Guddiga Dib u eegista Dastuurka ee labada Aqalka ee Baarlamaanka Federaalka, iyadoo ay arrintan ka dambeysay kadib markii looga guuleystay xilka guddoomiyaha Guddiga.

Ad

Wararka ayaa sheegaya in Faroole uu hore u si hoose u sheegay inuu ka bixi doono Aqalka sare haddii aan loo dooran xilka guddoomiyaha Guddiga dib u eegista Baarlamaanka, waxaana xilkaasi ku guuleystay Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid).

Aqalka Sare oo maanta kulan yeeshay ayaa sheegay in si degdeg ah loo buuxin doono kursigii uu banneeyay C/raxmaan Faroole oo hore, kaasoo aqalka sare dooran doono 15-ka Bishan August.

- Advertisement -

Lama oga saameynta ay arrintan ku yeelan doonto aqalka sare, waxaana sii kordhayay shakiga ay Aqalka sare ka qabaan xildhibaanada kasoo jeeda Puntland oo hore ugu guuldarreystay xilka Guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON