Xildhibaan C/raxmaan Faroole oo ka mida Senatoorada Aqalka sare, horeba u ahaa madaxweynaha Puntland ayaa jawaab kulul u diray Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya.
Faroole ayaa sheegay inuu caddeyn u hayo wax ka bedelka Xoosh iyo dowladii uu ka midka ahaa ku sameeyeen, isla markaana qoraalo ka sameeyeen, lana wadaageen beesha caalamka, wuxuuna beeniyay warkii uu Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibtiil ka sheegay magaalada Garowe.
“Waxaa uu qirtay in uu wax ka bedelay, oo isagu uu labo iyo saddex qodob ka sheegay wey ka badan yihiin, anagu qoraal baanu ka sameynay, wax qarsoona mahan International-ka waa ogyihiin, cid walbana waa haysata, wax uu qalday oo uu faraha geliyay iyo wax laga tegayba iyo wax faraha la geshey weeye..” ayuu yiri C/raxmaan Faroole oo u warramay Radio Garowe.
Wuxuu sheegay in Dastuurka wax looga bedeli karo oo qura, sida uu qeexayo markii la raaco nidaamka dastuurku qoraayo, oo ku cad articles-ka 132, 133, 134 oo nin waliba akhrisan karo. “Waxaan dadka usoo jeedinaya wax yaqaan, ducoments-kaasi meel walbo waa yaalla, isagoo English ku turjuman, oo qoladii Loojistikada noo haysay iyo United Nation ay ku turjuntay English buu yaalla, lama qaldi karo cida dibedda jirta oo qaarkood wax yaqaana laakiin aan Afsoomaaliga aad u aqoon, kaa Englishka bay akhrisan karaan waa heli karan wuxu waafaqsan yahay kii la saxiixay, kan uu isagu wax ka taa taabtay ma waafaqsana…” ayuu yiri Faroole.
C/raxmaan Faroole ayaa si cad u sheegay in C/raxmaan Xoosh aan laga saamixi doonin wixii ku kacay isagoo yiri: “Waxaan idiin sheegayaa Aflagaadada uu sameeyey oo uu leeyahay Cabdiraxmaan Jibriil, propoganda ayey ahayd wixii aan ka qornay waagii aan anigu weliba Madaxweynaha ka ahaa Puntland, waa Aflagaaddo iyo madax goosasho iyo wax sharci la isku geyn karo weeye, waana qalad inuu saa yiraahdo, waana danbe, waana loo haysta lagu musaamixi maayo….:
Faroole ayaa ka hadlay in C/raxmaan Xoosh aanay shaqadiisa ahayn waxa uu la wareegayo, wuxuuna sheegay in waxa uu la wareegayo Xoosh ay tahay shaqadii baarlamaanka, oo horena laba guddi oo baarlaamani ah loo sameeyay, meesha kaliya ee xukuuumadu kasoo geli kartana ay tahay Golaheeda wasaaradaha, Prime ministerka , Madaxweynaha iyo wasiirkoodu inay soo magacaabaan, Guddigii farsamada oo wax yaqaan ah oo dastuurku siduu qorayo loo eegay, oo markaa kabacdi laga ansixiyey baarlamaanka labada aqalba laga ansixiyey, oo dad lagu aamini karo inay waxaa qabtaan ah.
“Waxaa uu la wareegayo Xoosh waa wax kama jiraan, mana aha shaqadiisii, ha ula noqdo Xamar, dowladda dhexena waxaan usoo jeedinayaa Prime ministerka iyo Madaxweynaha inay dastuurka cid u qeybshaan , akhriyaan, sida uu qoraayo, ay u magacaabaan guddigii farsamada, oo la shaqeyn doona guddiga magacaaban ee labada aqal ee baarlamaanka ah..” ayuu yiri Faroole.